• Qorshaha Gaadiidka Seattle

    Habka ka-qaybgalka khadka tooska ah

  • Seattle Department of Transportation logo
  • Ka Daawo Goobtan:

    English Español አማርኛ العربية 繁體中文 简体中文 日本語 ភាសាខ្មែរ 한국어 ລາວ Oromoo Русский Soomaali Tagalog ไทย ትግርኛ Tiếng Việt
  • Luqado Dheeraad ah:

  • Wajiga labaad oo hawlgalintu waa socdaa! Inta lagu jiro wajiga koowaad oo hawlgalintu, kaa soo bilaabanaya Maay-Agoosto 2022, waxaan ku weydiiney aragitaada ku aadan mustaqbalka wadooyinkeena, iyo goobaha lawadaago ee ku yaal Seattle. Hadda waxaan u baahanahay caawimadaada si aan fikradahaas ugu beddelno ficillo. Dhiseembar 2022, waxaa jira khariidad cusub oo aad aaraa ka dhiiban karto. Fadlan dhiibo aaraa dhamaan hawlgalinta dhaqdhaqaaqyada haata ugu danbeynFebraayo 21, 2023.

  • Fursado halgalleed oo cusub!

    Hayso 10–20 daqiiqo? Ka dhiibo aaraa nuqulka qabyada ahnaqshadaha gaadiidka

    Hayso 5 daqiiqo? Dib u eeg aragtideena
    yoolasheena, iyo ujeedooyinkeena

    Hayso 1 daqiiqo? Xulo mustaqbalka
    aad jeceshahey inaad aragto

    Hayso 10 daqiiqo? Noo sheeg tallaabooyinka
    aad jeceshahey

    Dhaaf
    fikir guud

    Nagu soo biir
    kulankeena soo socda

    Noo soo dir iimeyl ama
    soo wac khadkeena taleefoon

    People standing around a table participating in an interactive activity.
    Map showing the number of comments shared in locations around Seattle.
    Three people standing in a booth filled with maps of Seattle.
    One person standing at a table talking with two individuals about Seattle Transportation Plan materials.
    Six people standing in a tent. One is holding a Seattle Transportation Plan booklet.
    A delivery driver standing at a table filled with transportation values.
menu
  • Welcome—Somali
  • Welcome – af-Soomaali / Somali
  • Soo dhawoow
  • Ka qayb gal
  • Talaabooyinka Xiga

Soo dhawoow

Ku soo dhawoow xarunta ka-qaybgalka khadka tooska ah ee Qorshaha Gaadiidka Seattle

Qorshaha Gaadiidka Seattle (STP) waa hamiga mustaqbalka gaadiidka ee Seattle.

STP waa sida ay nooga go'an tahay in aan dhisno nidaam gaadiid oo siinaya qof walba helitaan badbaado, hufan, iyo doorashooyin la awoodi karo si uu u gaaro meelo iyo fursado. STP waxay hagi doontaa maalgashiga gaadiidka maxalliga ah 20ka sano ee soo socda – markaa waxaan rabnaa inaan kaa maqalno!

Nidaamkeena gaadiidku waa ka badan yahay wadooyinka oo kaliya. Waxaa ka mid ah waddooyinka lugta, buundooyinka, jaranjarooyinka, gaadiidka, laamiyaha iyo dariiqaha,waddooyinka baaskiilka, isgoysyada, meelaha dadweynaha sida kafateeriyada iyo kuraasta, iyo wax ka badan. Habka gaadiidku waa sida uu qof kastaa ugu socdo magaalada, ayada oo nagu xidhaysa meelo iyo fursado. Laakiin COVID-19, isbeddelka cimilada, iyo koritaanka degdega ah ee dadweynaha ayaa ka dhigaya mid adag in nidaamkan uu si habsami leh u socdo. Taasi waa sababta aan rabno inaan abuurno nidaam waara oo shaqeeya hadda iyo mustaqbalka.

Ku Xidhnow

Isdiiwaangeli siddaad u hesho wixii ku soo kordha Qorshaha Gaadiidka Seattle:

Subscribe Now

Sideen u wada abuuraynaa Qorshaha Gaadiidka Seattle?

 

 

Wajiga 1 koowaad
Maay-Agoosto 2022

Wajiga 2aadA
Septeembar 2022 – Febraayo 2023

Wajiga 2aad B
Dhiseembar 2022 – Febraayo 2023

Wajiga 3aad
Apriil-Juun 2023

Waxaanu ku waydiinaynaa…

Inaad noo sheegto caqabadaha gaadiidka

Dib u eeg aragtida, yoolasha, ujeedooyinka; gaadiidka mustaqbal; xulasho tallaabooyin

Dib u eeg qabyo qoraalka koowaad ee shabakada khariidooyinka

Dib u eeg qorshaha gaadiidka Seattle ee qabyo-qoraalka ah

Waxaanu ku waydiinaynaa aragtidaada si…

Baahino arigto qabyo, yoolasha, iyo ujeedooyinka

Qeexno siyaasadaha qabyada ah

Qeexno khariidooyinka koowaad ee qabyada ah

Abuurno Qorshaha Gaadiidka Seattle ugu Danbeeya ee Lagu taliyey

Waxaanu ku waydiinaynaa…

Wajiga 1aad Maay-Agoosto 2022

Inaad noo sheegto caqabadaha gaadiidka

Wajiga 2aad A Sebteembar 2022-Febraayo 2023

Dib u eeg aragtida, yoolasha, ujeedooyinka; gaadiidka mustaqbal; xulasho tallaabooyin

Wajiga 2aad BDhiseembar 2022-Febraayo 2023

Dib u eeg qabyo qoraalka koowaad ee shabakada khariidooyinka

Wajiga 3aad Abriil-Juune 2023

Dib u eeg qorshaha gaadiidka Seattle ee qabyo-qoraalka ah

Waxaanu ku waydiinaynaa aragtidaada si…

Wajiga 1 koowaad
Maay-Agoosto 2022

Baahino arigto qabyo, yoolasha, iyo ujeedooyinka

Wajiga 2aad A Sebteembar 2022-Febraayo 2023

Qeexno siyaasadaha qabyada ah

Wajiga 2aad BDhiseembar 2022-Febraayo 2023

Qeexno khariidooyinka koowaad ee qabyada ah

Wajiga 3aad Abriil-Juune 2023

Abuurno Qorshaha Gaadiidka Seattle ugu Danbeeya ee Lagu taliyey

Sinaanta Qorshaha Gaadiidka ee Seattle

Waxaan aqoonsannahay saameynta nidaamyada aan sinnayn, oo ay ku jiraan natiijooyinka la rabay iyo kuwa aan la filayn ee qaab-dhismeedka go'aan-qaadashada ee hore iyo kuwa hadda iyo maalgelinta. Iyadoo loo marayo Qorshaha Gaadiidka Seattle, waxaan raadineynaa kaliya inaanan sameynin waxyeelo kale, laakiin sidoo kale waxaan aqoonsanaa, fahamnaa, oo aan wax ka qabannaa waxyeelada taariikhiga ah ee ay sababeen siyaasadeena, dhaqamada, iyo barnaamijyadayadii hore.

Waxaan aqoonsannahay qiimaha sinnaantu leedahay, waxaanan aaminsanahay in nidaamka gaadiidku uu daboolo baahiyaha bulshooyinka midabka leh iyo kuwa dhammaan dakhliga, kartida, iyo da'da. Hadafkayagu waa in aan iskaashi la samayno bulshooyinka si aan u dhisno nidaam gaadiid oo siman jinsiyad ahaan iyo bulsho ahaanba.

BooqoShabakadda khadka Qorshaha Gaadiidka Seattlesi aad wax badan uga barato qorshuhu waxa u yahay, kheyraadka mashruuca iyo su'aalaha inta badan la is weydiiyo, iyo si aad ula socoto habka qorshaynta.

Ka qayb gal

Waxaan u baahanahay caawimadaada qaabaynta gaadiidka Seattle!

Maxaan kaa baranay ilaa hadda?

Waa ku mahadsan yahay qof kasta oo nala wadaagay talo iyo fikrado inta lagu jiro wejiga koowaad ee ka-qaybgalka!

  • Jawaabaha sahanka: 2,295
  • Biinanka lagu dhejiyay khariidaddayada is-dhexgalka: 6,317 — Dib u eeg waxa adiga iyo deriskaagu wadaagtaan!
  • Faallooyinka guud: 336
  • Dhacdooyinka bulshada: 44
  • Kulamada: 26

Waxaan bilownay wajigii labaad ee ka qaybgalka bulshada!

Waxa aanu dhamaynay wareegii koobaad ee ka qaybgalka bulshada, kaas oo aanu ku waydiinay baahiyahaaga gaadiidka iyo mudnaantaada. Tani waxay naga caawisay horumarinta aragtideena wadajirka ah ee mustaqbalka nidaamka gaadiidka Seattle.

Inta lagu jiro wejiga 2, waxaanu kula wadaagi doonaa wixii aanu kaa maqalnay intii lagu jiray wejiga 1 waxaana aanu muujin doonaa sida taladaadu u hagayso qorshaha , yoolalka, iyo ujeedooyinka . Fadlan nala wadaag sida aad rabto inaad mustaqbalka u socoto iyo ficillada aad jeclaan lahayd inaan qaadno.

Waxaan rabnaa inaan ogaano:

  • Cusub: Aanu abuurno khariidada gaadiidkeena si wadajir ah. Miyaanu ku taaganahay dariiq saxan?
  • Aragtida, hadafyada, iyo ujeedooyinka Qorshaha Gaadiidka Seattle miyay kugu habboon yihiin?
  • Waa maxay mustaqbalka gadiidka ee Seattle aad rabto inaad aragto?
  • Waa maxay tallaabooyinka ay tahay in aan qaadno si aan u gaarno yoolalkayaga?

Wajiga 2 waxuu socon ilaa Febraayo 21, 2023. Waxaanu bilaabaynaa Wajiga 3aad, wajiga ugu danbeeya howlgalka, Abriil 2023. Tani waa markaad dib u eegis ku sameynkarto Qorshaha Gaadiidka Seattle ee qabyada ah (STP).

Markaad ka qaybqaadato abuurista STP, waxaad naga caawin doontaa inaan dhisno nidaam gaadiid oo qof walba si fiican ugu shaqeeya!

Ogeysiiska Qarsoodiga ah
Ogeysiiska Qarsoodiga”

Qarsoonaantaada ayaa muhiim noo ah. Faallooyinka lagu wadaago boggan waa qarsoodi.

Macluumaadka shakhsiyeed ee lagu soo geliyey boggan waxay hoos imanaysaa Sharciga Diiwaanka Dadweynaha ee Washington waxaana laga yaabaa in loo bandhigo codsade qolo saddexaad ah. Magaalada Seattle, waxaa naga go'an inaan ilaalino sirtaada waxaanan hubin doonaa in wixii macluumaadkaaga ah loo sameeyo si waafaqsan sharciga. Si aad wax badan uga ogaato sida macluumaadkan loo maareeyo fadlan eeg Bayaanka Qarsoonnimadayada.

Faalo ka bixi khariidooyinka gaadiidka qabyada ah ee koowaad

Aanu abuurno khariidooyin gaadiid si wadajir ah. Miyaanu ku taaganahay dariiq saxan?

Waxaa jira siyaabo badan oo aan u isticmaalno jidadkeena iyo goobaha dadweynaha! Kahor intaanan bilaabin horumarinta STP, waxaan haysaney afar khariidooyin isku-xirka gaadiidka (dadka lugaynaya, baaskiilka, gaadiidka, iyo xamuulka). Dhanka STP, waxaan cusboonaysiinaynaa khariidooyinkaas waxaanuna samaynaynaa khariidooyin cusub oo ka jawaabaya caqabadaha maanta.

Maanta, waxaanu ku weydiineynaa faallooyinkaaga qabyo-qoraalka ugu horreeya ee shabakadahan, oo lagu muujiyey hal khariidad weyn oo Seattle ah.

  • Lugeeyaha: Loogu talagalay dadka lugeynaya iyo kuwa baaskiil iyo kuwa rogmaya (gaari, mooto ama baaskiil wada)
  • CUSUB! Wadooyinka Dadka iyo Goobaha Dadweynaha: Meelaha dadku ku lugeeyaan, rogrogmaan, ku kulmaan, ku ciyaaraan, oo ay ku xirmaan
  • Baaskiil: Dadka isticmaala baaskiilka ama dhaqdhaqaaqa elektaroonigga ah (sida mooto koronto)
  • Gaadiidka: Loogu talagalay dadka raacaya basaska, tareenka fudud, iyo gaadiidka kale ee dadweynaha
  • Xamuul: Alaabta la gudbinayo
Fadlan sahami khariidiiyinka ugu horeeya ee qabyada ah addoo isticmaalaya khariidaynta isdhexgalka ee hoose.

MUHIIM: Khariidooyinkan qabyada ah ee ugu horreeya waa bar bilow. Waxay ka mid yihiin cusboonaysiinta ku salaysan agaybyada (tas-hiilaadka) cusub ee aan dhisnay, waxay soo jeedinayaan xiriir cusub, oo ka jawaabayaan faallooyin badan adiga iyo deriskaaga aad samayseen wajigii kowaad ee ka-qaybgalka. Weli waxaan samaynaynaa isbeddellada khariidooyinkan. Iyadoo lagu salaynayo jawaab celintaada maanta, waxaanu samayn doonaa isbedello badan.

Riix halkan to si'aad u eegto agaba si muraayaa dhameystiran ah (shaashad weyn).

Tani waa laba qaab oo aad aragti uga dhiiban karto khariidooyinka qabyada ah:

  1. Bixi aragti guud adoo ku reebaya sanduuqa hoose ee khariidad isdhaxalgal.
  2. Khariidada isdhexgal ee hoose, sahami lakabyada khariidooyinka xulashooyinka ee bidix, deedna tuur biinanka khariidada oo bixi raad-reeb.

Noo sheeg waxaad ku fakari
  1. Ma haysaa aragti (fikir) guud oo ku saabsan shabakada lagugu tusey khariidada? Isticmaal sanduuqa fariinta ee hoose oo hubi mowduucyada kugu taxaluqa.
  2. Miyaad haysaa (fikir) meel gaar ah? Isticmaal agabka isdhexgal ee khariidad sameynta sare si'aad hoo u dhigto khariidad.
NetworkMaps
0 of 500 max characters
Fadlan xulo qaybta taasoo faalladaa la xiriirta Xulo dhamaan inta ku khuseysa. *
Xusuusnow

Waxaad fikri dhaafi kartaa mar xiga inta lagu jiro Guga 2023 markaanu sii dayno qorshe gaadiid qabyo ah ee Seattle.

Inta lagu jiro Guga 2023, waxaanu ku waydiinaynaa felcelin mawduucyadan cusub:

  • CUSUB! Maareynta xatabada: Yaa isticmaalaya meel banaan ku dhagan xatabada, goorma ama sidee
  • CUSUB! Safarka gaadiidl: Ambalaasyada, gawaarida dabdemiska, ama socdaalo kale taasoo ay tahey in lagu sameeyo gaari
  • CUSUB! Dhaqdhaqaayo cusub am soo socda: Oo loogu talagaley kuwa isticmaala mootooyinka la wadaago, baaskiilada la wadaago, gawaarida, socdaalada la wadaago amase tiknoolijooyinka cusub

Dib u eeg himiladeena, yoolkeena, iyo ujeedooyinkayaga

qeybta 1aad, waxaad noo sheegtay aragtidaada mustaqbalka gaadiidka waana dhegaysanay! STP waxaa hagi doona aragtideena, yoolalka, iyo ujeedooyinka sida aan u dhisno nidaamka gaadiidka oo si fiican ugu shaqeeya qof walba hadda iyo mustaqbalka.

Dib u eeg shaqadeena oo naga caawi inaan hagaajino himiladayada, yoolalkayada, iyo hadafyadayada!

Aragtida – Waxa aan rabno in gaadiidka Seattle uu u ekaado 20 sano gudahood

Bayaanadan waxay ujeedadoodu tahay inay ka turjumaan aragtideena mustaqbalka gaadiidka Seattle.

Vision
Keebaa weedhahan ah aragtidaada mustaqbalka gaadiidka Seattle? Dooro mid.

Yoolalka – Waxa aan u baahanahay inaan sameyno si aan u gaarno himiladeena

Lixdan yool ayaa naga caawin doona inaan go'aan ka gaarno mustaqbalka gaadiidkeena. Fikradaada ayaa qaabayn doonta yoolalka ugu dambeeya.

Badbaadada
Astaanta matalaysa yoolka badbaadada ee STP.

Abuur jawi gaadiid oo nabdoon oo meesha ka saara dhaawacyada halista ah iyo dhimashada Shilalka.

Sinnaanta
Astaanta matalaysa yoolka STP ee sinnaanta.

Ciribtirka kala duwanaanshaha la xiriira gaadiidka iyo saameynta xun ee bulshada iyo caafimaadka la xiriirta.

Ficilka Cimilada
Astaanta matalaysa yoolka STP ee ficilka cimilada.

Si adag u dhino qiiqa gaaska aqalka dhirta lagu koriyo ee la xiriira gaadiidka si loo baajiyo caafimaadka jiilalka hadda iyo kuwa nagu soo fool leh, deegaanka, iyo saamaynta dhaqaale ee xaaladda degdegga ah ee cimilada.

Masuulnimada
Astaanta matalaysa yoolka STP ee mauulnimada.

U qoondee hantida dadweynaha si xilkasnimo leh si loo hagaajiyo loona ilaaliyo nidaam gaadiid oo la isku halayn karo, iyadoo mudnaanta la siinayo bulshooyinka ay magaaladu taariikh ahaan si hoose u maalgalin jirtay.

Dhaqdhaqaaqa
Astaanta matalaysa yoolka STP ee dhaqdhaqaaqa.

Bixi doorashooyin la isku halayn karo oo la awoodi karo oo dadka iyo badeecadaha u suurtagelinaya inay gaaraan halka ay u baahan yihiin.

Suurtagalnimada nolosha 
Astaanta matalaysa yoolka STP ee suurtagalnimada nolosha.

Abuur waddooyin loo soo xiiso iyo goobo dadwayne.

Hadafyadani miyay kugu habboon yihiin?

Goals

Ujeedooyinka – Sida aan u gaarno yoolalkayaga

Fikradaada ayaa naga caawin doonta in aan ujeeddooyinkan u rogno xeelado iyo ficilo inta uu sii socdo nidaamka STP.

Nakhshadee, hawlgeli, oo si firfircoon u ilaali waddooyinkeena iyo jidadkeena si aan kor ugu qaadno badbaadada.

Samee goobo dadweyne oo soo jiidasho leh oo la heli karo oo ku dhex jira jidadkeena kuwaas oo kobciya dareenka lahaanshaha una kana turjuma dhaqanka iyo bulshada.

La kulan baahida deg-degga ah ee dhaqdhaqaaqa iyo cimilada ee Seattle adiga oo dhiirigelinaya oo bixinaya doorashooyin badan oo socdaal kuwaas oo qashinka carboonkoodu yahay eber, caafimaad qaba, la awoodi karo, tayo sare leh, fududahay in la isticmaalo, oo la heli karo.

Dardar gelinta dhimista qiiqa gaaska aqalka dhirta lagu koriyo iyadoo la dhimayo dhammaan safarrada baabuurta iyo gaadiidka-mayl-ku-socodka (VMT) iyo iyadoo koronto loo bedelayo safarrada u baahan baabuurta.

Ka dhig gaadiidka dadwaynaha doorasho socdaal oo soo jiidasho leh inta badan safarrada, adigoo si la isku hallayn karo u gaynaya raacayaasha halka ay u baahan yihiin.

Taageer dhaqdhaqaaq hufan, waara ee badeecadaha iyo adeegyada iyada oo loo marayo qaabaynta iyo maamulka waddooyinka iyo geesaha wadada.

Kordhi maalgelinta iyo ka-qaybgalka bulshooyinka taariikh ahaan aan si fiican loo maalgelin iyo kuwa la barakiciyey si loo aqoonsado oo wax looga qabto waxyeellooyinkii hore loona yareeyo barakaca dheeraadka ah ee ay sababaan hababka go'aannada gaadiidka, naqshadaynta, iyo maalgashiga.

Hubi in go'aamada gaadiidka iyo maalgashiga ee magaaladu ay taageeraan qorshayaasha kobaca guud ee Magaalada.

Wax ka qabashada caqabadaha gaadiidka ee adag iyo sinnaan la'aanta hababka cusub ee dayactirka, mudnaanta mashruuca, maalgelinta, ka qaybgalka bulshada, iyo daahfurnaanta.

Ujeedooyinkan miyay kugu habboon yihiin?

Objectives

Dooro mustaqbalka aad rabto inaad aragto

Si aan u gaarno himiladeena oo aan u gaarno yoolalkayada gaadiidka, waxaan u baahan doonaa in aan wadno wax yar. Si taasi suurtogal u noqoto, waxaan u baahanahay inaan dhisno nidaam gaadiid oo siinaya qof kasta ikhtiyaar kale oo badbaado leh oo wax ku ool ah si uu ugu wareego baabuur la'aan. Sida aan u awoodno inaan mustaqbalka ugu socono Seattle waxay go'aamin doontaa haddii, iyo sida ugu dhakhsaha badan, aan u gaari karno yoolalkayada gaadiidka.

Tixgeli saddexdan “mustaqbalka gaadiidka” ee Seattle.

Mustaqbalka A

Joog koorsada

Sawir gacmeedka wadooyinka ee baabuur badan, 1 bas, iyo 1 baaskiil.

  • Waxaan si wayn u bedelnaa nidaamkayaga gaadiidka
  • Waxaan sameyneynaa horumar xagga yoolalkayaga, laakiin qaar badan ayaa weli ah kuwo aan la gaari karin

Kani ma yahay mustaqbalka aad rabto inaad aragto?

Mustaqbalka A - faahfaahin dheeraad ah.

Mustaqbalka A – faahfaahin dheeraad ah.

Mustaqbal A waxa uu u malaynayaa in aynaan dib u malaynayn sida aan ugu soc socono Seattle. Tani waxay ka dhigan tahay xaddi badan oo baabuur ah ayaa socda taasoo gaabis ka dhigaysa qaadashada Basaska, socodka, baaskiilka, iyo rogidda. Waxa kale oo ay gaabis ka dhigta u gudbitaanka baabuurta korontada. Horumarka lagu gaarayo yoolalkayaga gaadiidku waxay u dhici doonaan si tartiib ah iyodoo yoolal badan ay noqon doonaan kuwo aan la gaari karin.

Badbaadada – Yaraynta dhaawacyada iyo dhimashada la xiriirta Baabuurta way adagtahay in la gaadho haddii xajmiga iyo xawaaraha Baabuurta aan hoos loo dhigin mustaqbalka.

Sinnaanta – Saamaynta xun ee Gadiidka waxay sii wadi doontaa inay saameyn ku yeelato bulshooyinka midabka leh, taasoo adkaynaysa nidaam gaadiid oo siman in la gaaro.

Cimilada – Qaybta gaadiidka ayaa mas'uul ka ah ku dhawaad 60 boqolkiiba gaaska dhirta lagu sii daayo. koronto la'aanteed iyo safarka baabuurta oo yaraada, gaaritaanka yoolalka cimilada ma suurta galeyso.

Maamulida – Dayactirka waddooyinkeenu waxay noqon doontaa mid qaali ah waqti ka dib haddii aan sidaas ku sii socono. Wadooyinka iyo buundooyinka ayaa ka sii daraya tirada isticmaalka baabuurta iyo baabuurta waaweyn.

Dhaqdhaqaaqa – Ku tiirsanaanta safarka baabuurka waxay adkeyn doontaa in lagu daro xulashooyinka safarka dadka curyaanka ah.

Nolol – Xawliga abuuritaanka goobo dadweyne oo cusub oo soo jiidasho leh ayaa noqon doonta mid gaabis ah.

Mustaqbalka B

Xawli dhexdhexaad ah

Sawir gacmeedka 3 baabuur, dad baaskiil wata iyo kuwo lugeynaya, iyo bas.

  • Waxaan dardargelineynaa isbeddelada nidaamkayaga gaadiidka
  • Qaar ka mid ah yoolalkayaga ayaa laga yaabaa in aan gaarno

Kani ma yahay mustaqbalka aad rabto inaad aragto?

Mustaqbal B - faahfaahin dheeraad ah.

Mustaqbal B – faahfaahin dheeraad ah.

Mustaqbalka B, waxaanu bilaabaynaa inaanu isbedel ku samayno nidaamkayaga gaadiidka oo aanu gaarno yoolalkayaga. Taasi waxay ka dhigan tahay doorashooyin gaadiid oo badan iyo baabuur yar. Tani waxay keenaysaa u gudbida degdega ah ee Basaska, socodka, baaskiilka, iyo rogidda, iyo sidoo kale baabuur koronto oo badan. Horumarka lagu gaarayo yoolalkayadu waxay u dhici doontaa si ka dhakhso badan mustaqbalka A laakiin ka gaabiya mustaqbalka C. Horumar ayan samayn doonaa si aan ugaarno yoolalkayaga, laakiin dhammaan yoolalka lama gaadhi doono.

Badbaadada – Dhaawacyada iyo dhimashada gaadiidka la xidhiidha waa la dhimay ka dib markii ay tirada baabuurta iyo xawliga ay yaraadeen.

Sinnaanta – Nidaam gaadiid oo sinaan ah ayaa la suurtogeliyay. Waxaan bilaabeynaa inaan dhino Baabuurta, wanaajino badbaadada, oo aan kordhino fursadaha safarka, gaar ahaan dadka ay saameynta ku yeesheen iyo kuwa si hoose loogu adeego marka la eego nidaamka gaadiidka.

Cimilada – Qaybta gaadiidka ayaa mas'uul ka ah ku dhawaad 60 boqolkiiba gaaska aqalka dhirta lagu sii daayo. Ka guurista shidaalka fosilku waxay horumar ka samayn doontaa gaarista yoolka cimilada.

Maamulida – Wadooyinka iyo buundooyinka oo xumaada waxay ku xidhan tahay tirada gaadiidka saaran. Yaraynta tirada Baabuurta waxay keenta inay korodho nolosha waxtarka leh ee nidaamkayaga gaadiidka.

Dhaqdhaqaaqa – Yaraynta ku tiirsanaanta baabuurta waxay fursad u siinaysaa doorashooyin dheeraad ah oo safar ah waxayna fursad siinaysa dadka curyaamada ah.

Nolosha – Ku-soo-wareegida Seattle aad bay u xiiso badan tahay wayna fududahay in lagu xidho meelaha iyo dadka aanu daneyno.

Mustaqbalka C

Horumar degdeg ah

Sawir gacmeedka 1 baabuur, laba bas, dad ku dhex baaskiilaynaya dariiqyada baaskiilka cagaaran, iyo waddooyin socod leh.

  • Waxaan ku samaynaa isbedel guud nidaamkayaga gaadiidka
  • Waxaan u joognaa sida ugu fiican si aan u gaarno yoolalkayaga

Kani ma yahay mustaqbalka aad rabto inaad aragto?

Mustaqbal C - faahfaahin dheeraad ah.

Mustaqbal C – faahfaahin dheeraad ah.

Mustaqbalka C waxa uu dib u qiyaasaa sida aan ugu wareegi karno Seattle. Waxay u malaynaysaa inuu yahay u-guurka ugu dhakhsaha badan ee qaadashada gaadiidka, socodka, baaskiilka, iyo rogidda. Waxa kale oo ay taageertaa u gudubka degdega ah ee baabuurta korontada. Mustaqbalka C, dhammaan yoolalka gaadiidkayadu waa ay dhow yihiin oo horumarka lagu gaarayo waxay ku dhacaan xawliga ugu dhaqsaha badan.

Badbaadada – Mustaqbalka ugu nabdoon ee Seattle waxa uu suurtogal ka dhigayaa hoos u dhac weyn oo ku yimaadda safarka baabuurka iyo horumarinta fursadaha safarka.

Sinnaanta – Nidaam gaadiid oo loo siman yahay ayaa la suurtageliyay iyadoo dib looga fakarayo sida aan u taageerno bulshooyinka si aan loo qiyaasi karin u saameeyay oo aan la adeegin. Waxaan yareynaa taraafikada, wanaajinaa badbaadada, waxaana kordhineynaa fursadaha safarka, anagoo mudnaanta siineynaa baahiyaha dadka wali si hoose loogu adeego marka la eggo nidaamka gaadiidka.

Cimilada – Qaybta gaadiidka ayaa mas'uul ka ah ku dhawaad 60 boqolkiiba gaaska aqalka dhirta lagu sii daayo. Wax ka bedelka muhiimka ah ee shidaalka fosil ayaa gacan ka geysan doona gaarista yoolka cimilada.

Maamulida – Waxaan ku maal galinaa hagaajinta wadooyinka iyo buundooyinka jira. Taraafikada baabuurta oo la dhimay ayaa kordhisa nolosha waxtarka leh ee nidaamkayaga gaadiidka.

Dhaqdhaqaaqa – Waxaan mudnaanta siinaa ku darida fursadaha safarka ee dadka ku xira fursadaha anagoo yareynayna ku tiirsanaanta baabuurta.

Nolosha – Tayada nolosheenna si weyn ayaa loo hagaajiyaa marka aan dardargelino horumarka aan ku gaareyno yoolalka gaadiidka oo dadka oo dhan ay helaan faa'iidooyin.

blankMustaqbalka A - faahfaahin dheeraad ah.Mustaqbal B - faahfaahin dheeraad ah.Mustaqbal C - faahfaahin dheeraad ah.

Mustaqbalka A – faahfaahin dheeraad ah.

Mustaqbal A waxa uu u malaynayaa in aynaan dib u malaynayn sida aan ugu soc socono Seattle. Tani waxay ka dhigan tahay xaddi badan oo baabuur ah ayaa socda taasoo gaabis ka dhigaysa qaadashada Basaska, socodka, baaskiilka, iyo rogidda. Waxa kale oo ay gaabis ka dhigta u gudbitaanka baabuurta korontada. Horumarka lagu gaarayo yoolalkayaga gaadiidku waxay u dhici doonaan si tartiib ah iyodoo yoolal badan ay noqon doonaan kuwo aan la gaari karin.

Badbaadada – Yaraynta dhaawacyada iyo dhimashada la xiriirta Baabuurta way adagtahay in la gaadho haddii xajmiga iyo xawaaraha Baabuurta aan hoos loo dhigin mustaqbalka.

Sinnaanta – Saamaynta xun ee Gadiidka waxay sii wadi doontaa inay saameyn ku yeelato bulshooyinka midabka leh, taasoo adkaynaysa nidaam gaadiid oo siman in la gaaro.

Cimilada – Qaybta gaadiidka ayaa mas'uul ka ah ku dhawaad 60 boqolkiiba gaaska dhirta lagu sii daayo. koronto la'aanteed iyo safarka baabuurta oo yaraada, gaaritaanka yoolalka cimilada ma suurta galeyso.

Maamulida – Dayactirka waddooyinkeenu waxay noqon doontaa mid qaali ah waqti ka dib haddii aan sidaas ku sii socono. Wadooyinka iyo buundooyinka ayaa ka sii daraya tirada isticmaalka baabuurta iyo baabuurta waaweyn.

Dhaqdhaqaaqa – Ku tiirsanaanta safarka baabuurka waxay adkeyn doontaa in lagu daro xulashooyinka safarka dadka curyaanka ah.

Nolol – Xawliga abuuritaanka goobo dadweyne oo cusub oo soo jiidasho leh ayaa noqon doonta mid gaabis ah.

Mustaqbal B – faahfaahin dheeraad ah.

Mustaqbalka B, waxaanu bilaabaynaa inaanu isbedel ku samayno nidaamkayaga gaadiidka oo aanu gaarno yoolalkayaga. Taasi waxay ka dhigan tahay doorashooyin gaadiid oo badan iyo baabuur yar. Tani waxay keenaysaa u gudbida degdega ah ee Basaska, socodka, baaskiilka, iyo rogidda, iyo sidoo kale baabuur koronto oo badan. Horumarka lagu gaarayo yoolalkayadu waxay u dhici doontaa si ka dhakhso badan mustaqbalka A laakiin ka gaabiya mustaqbalka C. Horumar ayan samayn doonaa si aan ugaarno yoolalkayaga, laakiin dhammaan yoolalka lama gaadhi doono.

Badbaadada – Dhaawacyada iyo dhimashada gaadiidka la xidhiidha waa la dhimay ka dib markii ay tirada baabuurta iyo xawliga ay yaraadeen.

Sinnaanta – Nidaam gaadiid oo sinaan ah ayaa la suurtogeliyay. Waxaan bilaabeynaa inaan dhino Baabuurta, wanaajino badbaadada, oo aan kordhino fursadaha safarka, gaar ahaan dadka ay saameynta ku yeesheen iyo kuwa si hoose loogu adeego marka la eego nidaamka gaadiidka.

Cimilada – Qaybta gaadiidka ayaa mas'uul ka ah ku dhawaad 60 boqolkiiba gaaska aqalka dhirta lagu sii daayo. Ka guurista shidaalka fosilku waxay horumar ka samayn doontaa gaarista yoolka cimilada.

Maamulida – Wadooyinka iyo buundooyinka oo xumaada waxay ku xidhan tahay tirada gaadiidka saaran. Yaraynta tirada Baabuurta waxay keenta inay korodho nolosha waxtarka leh ee nidaamkayaga gaadiidka.

Dhaqdhaqaaqa – Yaraynta ku tiirsanaanta baabuurta waxay fursad u siinaysaa doorashooyin dheeraad ah oo safar ah waxayna fursad siinaysa dadka curyaamada ah.

Nolosha – Ku-soo-wareegida Seattle aad bay u xiiso badan tahay wayna fududahay in lagu xidho meelaha iyo dadka aanu daneyno.

Mustaqbal C – faahfaahin dheeraad ah.

Mustaqbalka C waxa uu dib u qiyaasaa sida aan ugu wareegi karno Seattle. Waxay u malaynaysaa inuu yahay u-guurka ugu dhakhsaha badan ee qaadashada gaadiidka, socodka, baaskiilka, iyo rogidda. Waxa kale oo ay taageertaa u gudubka degdega ah ee baabuurta korontada. Mustaqbalka C, dhammaan yoolalka gaadiidkayadu waa ay dhow yihiin oo horumarka lagu gaarayo waxay ku dhacaan xawliga ugu dhaqsaha badan.

Badbaadada – Mustaqbalka ugu nabdoon ee Seattle waxa uu suurtogal ka dhigayaa hoos u dhac weyn oo ku yimaadda safarka baabuurka iyo horumarinta fursadaha safarka.

Sinnaanta – Nidaam gaadiid oo loo siman yahay ayaa la suurtageliyay iyadoo dib looga fakarayo sida aan u taageerno bulshooyinka si aan loo qiyaasi karin u saameeyay oo aan la adeegin. Waxaan yareynaa taraafikada, wanaajinaa badbaadada, waxaana kordhineynaa fursadaha safarka, anagoo mudnaanta siineynaa baahiyaha dadka wali si hoose loogu adeego marka la eggo nidaamka gaadiidka.

Cimilada – Qaybta gaadiidka ayaa mas'uul ka ah ku dhawaad 60 boqolkiiba gaaska aqalka dhirta lagu sii daayo. Wax ka bedelka muhiimka ah ee shidaalka fosil ayaa gacan ka geysan doona gaarista yoolka cimilada.

Maamulida – Waxaan ku maal galinaa hagaajinta wadooyinka iyo buundooyinka jira. Taraafikada baabuurta oo la dhimay ayaa kordhisa nolosha waxtarka leh ee nidaamkayaga gaadiidka.

Dhaqdhaqaaqa – Waxaan mudnaanta siinaa ku darida fursadaha safarka ee dadka ku xira fursadaha anagoo yareynayna ku tiirsanaanta baabuurta.

Nolosha – Tayada nolosheenna si weyn ayaa loo hagaajiyaa marka aan dardargelino horumarka aan ku gaareyno yoolalka gaadiidka oo dadka oo dhan ay helaan faa'iidooyin.

More Futures Redux
Noo sheeg wax badan oo ku saabsan sida aad rabto inaad mustaqbalka u wareegto

short-trips

Safarada gaagaaban ee agagaarka xaafadaada, sidee u jeclaan lahayd inaad u soo dhawaato? Dooro dhammaan kuwa khuseeya

long-trips

Socdaalada dheer ee magaalada oo dhan, sidee u jeclaan lahayd inaad u soo wareegto? Dooro dhammaan kuwa khuseeya

Noo sheeg falalka aad jeceshahay

Liiska waxqabadyada Qorshaha Gaadiidka Seattle

Iyada oo ku saleysan waxa aan ilaa hadda kaa maqalnay, waxaan aqoonsannay tallaabooyinka suurtagalka ah ee aan qaadi karno si aan u gaarno yoolalkayada gaadiidka. Waxaan kuwan ugu yeereynaa liiska waxqabadyada Qorshaha Gaadiidka Seattle. Waxaan jeclaan lahayn ra'yi-celintaada ku saabsan falalkan suurtagalka ah iyadoo aan sii wadeyno qiyaasida sida aan rabno inaan u wareegno magaalada mustaqbalka.

Guji ficiladan, dhagsii “wadnaha” si aad noogu sheegto kuwa aad jeceshahay, oo ka jawaab su'aalaha si aad ula wadaagto sida aad rabto – ama aadan rabin – kuwani inay ka mid noqdaan nidaamka gaadiidkayaga.

Xubnaha bulshada ee ku hawlan shaqaalaha SDOT ee xaflada bulshada.

Xooji bulshada inay hagto nidaamka gaadiidka mustaqbalka

Xooji bulshada inay hagto nidaamka gaadiidka mustaqbalka

Hirgelinta Hab-dhismeedka Sinaanta Gaadiidka (TEF) falalka iyo xeeladaha si loo ballaariyo ka-qaybgalka bulshada, la wadaago go'aan gaarista, iyo kobcinta daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka.

Guji si aad u jeceshahay falkan

Action01—empower

Koox dad ah oo taagan waddo meel wareeg ah.

Dhexda codadka bulshooyinka midabka leh iyo kooxaha aan matalayn ee geedi socodka qorshaynta

Dhexda codadka bulshooyinka midabka leh iyo kooxaha aan matalayn ee geedi socodka qorshaynta

Mudnaanta sii himilada, yoolalka, iyo baahiyaha bulshooyinka taariikh ahaan aan matalaysnayn ee hawlgelintayada iyo hababka go'aan-qaadashada.

Guji si aad u jeceshahay falkan

Action02—center

Khariidadda Koonfurta Seattle oo muujinaysa biinanka iyo qoraallada dhejiska ah ee hareeraha waddooyinka qaarkood iyo dhawr isgoysyo.

Aqoonso oo wax ka qabato sinnaan la'aanta nidaamkayaga gaadiidka

Aqoonso oo wax ka qabato sinnaan la'aanta nidaamkayaga gaadiidka

Hagaajinta badbaadada iyo helitaanka fursadaha sida joogtada ah ee aan loo maalgelin xaafadaha, oo ay ku jirto dib-u-xidhka bulshooyinka ay saameeyeen waddooyinka mashquulka ah iyo waddooyinka waaweyn iyo ballaarinta marinka gaadiidka.

Guji si aad u jeceshahay falkan

Action03—equity

Dadka ku socda hareeraha laamiga oo camiran oo ku dheggan maqaaxi daboolan.

U samee meel bannaan oo dheeraad ah dadka lugeynaya

U samee meel bannaan oo dheeraad ah dadka lugeynaya

Hubi in Seattle jidadkeedu ay badbaado yihiin, firfircoon yihiin, oo ay heli karaan dadka lugaynaya iyo kuwa rogrogaya adiga oo kala hormarinaya daldaaqyada laamiga iyo meelaha leh welwelka ugu weyn ee badbaadada.

Guji si aad u jeceshahay falkan

Action04—space

Wado ku taal Seattle oo u dhaw boosteejo taraansit leh oo leh haad baska kaliya ah, haad baaskiilka, iyo kafateeriyada dhinaceeda.

Ku wareeji Meel waddo bannaan

Ku wareeji Meel waddo bannaan

Ku soo celi qaar ka mid ah dariiqyada taraafikada ee jira meelo bannaan oo loogu talagalay baaskiilada, gaadiidka, kafateeriyada laamiga, iwm, iyadoo sidoo kale la ilaalinayo dhaqdhaqaaqa muhiimka ah.

Guji si aad u jeceshahay falkan

Action05—reallocate

Saddex qof oo fadhiyey meel baarkin ah oo ku teedsan waddo ay dad buuxaan.

Kordhi waddooyinka dadka ku habboon

Kordhi waddooyinka dadka ku habboon

Hubi in waddooyinka tuulooyinka magaalooyinka iyo agagaarka xarumaha gaadiidka ay mudnaanta siiyaan dadka – ammaankooda, waayo-aragnimadooda, iyo raaxada.

Guji si aad u jeceshahay falkan

Action06—people

Carruurta xidhan dharka digaaga oo kor u haya calaamad Xawaaraha 20.

Yaree xawaaraha gaariga si loo kordhiyo badbaadada

Yaree xawaaraha gaariga si loo kordhiyo badbaadada

Hirgeli naqshadaynta dariiqyada, wakhtiga calaamadaynta, iyo tabaha lagu dejiyo taraafikada si baabuurta loogu yareeyo xawaaraha badbaadada leh.

Guji si aad u jeceshahay falkan

Action07—slow

Baaskiil ku wado haad baaskiil oo la ilaaliyo.

U fududee oo ka badbaado inaad baaskiil ku kaxayso agagaarka Seattle

U fududee oo ka badbaado inaad baaskiil ku kaxayso agagaarka Seattle

Kordhi nidaamka jidadka baaskiilka ee la ilaaliyo oo buuxi meelaha banaan ee shabakada baaskiilka.

Guji si aad u jeceshahay falkan

Action08—bike

Jidka hoose ee magaalada Seattle oo rinjiyeeyay.

Isku-dubarid maalgelinta badbaadada meelaha ugu badan ee isku dhaca

Isku-dubarid maalgelinta badbaadada meelaha ugu badan ee isku dhaca

Dib u qiyaas aagagga shilalka sarreeya iyo waddooyinka si loo hagaajiyo amniga, loo yareeyo xawaaraha, iyo taageerada bulshooyinka.

Guji si aad u jeceshahay falkan

Action09—collisions

Afar qofood oo ku sugaya boosteejada baska.

Hagaajinta adeegga gaadiidka iyo gelitaanka

Hagaajinta adeegga gaadiidka iyo gelitaanka

Kordhi isku xidhka xarumaha gaadiidka iyo tareenka fudud oo balaadhiso adeega gaadiidka maalintii iyo habeenka oo dhan.

Guji si aad u jeceshahay falkan

Action10—transit

Shakhsiyaadka ku wareegaya dhammaan xarunta taraafikada.

Photo of Nørreport Station by Gottlieb Paludan Architects and Cobe.

ku beddel xarumaha gaadiidka meelaha bulshada soo dhaweeya

ku beddel xarumaha gaadiidka meelaha bulshada soo dhaweeya

Ku dar nalka, baadi-goobka, dariiqyada gelitaanka aaminka ah, macluumaadka gaadiidka-waqtiga-dhabta ah, alaabta guriga, qurxinta dhulka, iyo farshaxanka dadweynaha xarumaha gaadiidka Seattle.

Guji si aad u jeceshahay falkan

Action11—hubs

Gacan ku haysa laba kaar oo Orca ah.

Hubi in kharashku aanu caqabad ku ahayn safarka

Hubi in kharashku aanu caqabad ku ahayn safarka

Kordhi fursadaha safarka iyo kaalmada dhaqaale ee sahlan si qof kastaa u helo meelaha ay u baahan yihiin inay aadaan.

Guji si aad u jeceshahay falkan

Action12—cost

Meel cagaar ah oo lagu beeray waddo ku xigta maalin roobaadka.

Jidadkayaga u diyaari cimilo beddelka

Jidadkayaga u diyaari cimilo beddelka

Maalgeli xalalka cimilada u wanaagsan, sida geedaha u adkeysan kara kulaylka, sifooyinka biyaha ee meelaha caamka ah, iyo laami midab khafiif ah.

Guji si aad u jeceshahay falkan

Action13—climate

Dadka lugeynaya iyo baaskiilka ku socda ee ku socda waddo aan lahayn wax baabuur ah.

Soo bandhig aagagga qiiqa hooseeya

Soo bandhig aagagga qiiqa hooseeya

Iska yaree saamaynta taraafikada adiga oo ku hagaya safarrada lagu aadayo waddooyin cayiman iyo samaynta aagagga baabuur-la'aanta ama nalka baabuurta ee dadka lugaynaya, baaskiilka, iyo rogrogmada.

Guji si aad u jeceshahay falkan

Action14—emissions

Gaadhi FedEx oo la dhigay waddada dhinaceeda.

Hagaajinta xamuulka iyo baakooyinka

Hagaajinta xamuulka iyo baakooyinka

Yaree tirada safarrada loo baahan yahay si loo raro alaabada oo loo geeyo baakadaha oo ka dhig safarradaas kuwo hufan oo cimilada u haboon.

Guji si aad u jeceshahay falkan

Action15—freight

Calaamada 30-daqiiqo raritaan oo deji yaala wadada.

Maaree meel bannaan si loo daboolo baahiyaha bulshada

Maaree meel bannaan si loo daboolo baahiyaha bulshada

Maareynta xannibaadda meelaha ganacsiga si aad u kala mudnaan siiso baahiyaha maxalliga ah, sida baarkinka muddada gaaban, gaarsiinta, iyo raridda rakaabka.

Guji si aad u jeceshahay falkan

Action16—curb

Baaskiil wade fuushan wado barbar socota wado wayn.

Iska yaree safarrada baabuurta

Iska yaree safarrada baabuurta

Ka caawi dadka inay xaddidaan safarka baabuurkooda dhammaan noocyada safarrada, ma aha socdaallada oo keliya.

Guji si aad u jeceshahay falkan

Action17—driveless

Shakhsiyaad ka hor hadlaya bas koronto.

Taageer u wareejinta baabuurta korontada

Taageer u wareejinta baabuurta korontada

Ku dar saldhigyada dallaca, samee barnaamijyo taageero ah, iyo u wareejinta gawaarida kuwa korontada ah.

Guji si aad u jeceshahay falkan

Action18—electric

Calaamadda toll-ka tooska ah oo muujinaysa qiimaha lagu isticmaalo laymanka xawaaraha.

Samee qiime dhaqdhaqaaqa oo siman

Samee qiime dhaqdhaqaaqa oo siman

Hergeli nidaam qiimihiisu siman yahay kaas oo dadka ama shirkadaha kaxeynaya ama isticmaalaya waddooyinka banaan u qaybiya kharashyada iyo faa'iidooyinka si wada siman.

Guji si aad uga heshid falkan

Action19—pricing

Baabuurta taagan joogsiga afar geesoodka ah waxay leeyihiin khadad isku xiran oo u dhexeeya.

Isticmaal xogta si aad u hagto go'aamada

Isticmaal xogta si aad u hagto go'aamada

Ururi oo la wadaag xogta gaadiidka, oo ay ku jiraan qiyaasta badqabka, isbeddellada gaadiidka, iyo macluumaadka waqtiga-dhabta ah, si loo gaaro go'aanno wax ku ool ah.

Guji si aad uga heshid falkan

Action20—data

Baabuur ay kamarado ku xidhan yihiin wareeggiisa oo ku dhex socda magaalada hoose ee Seattle.

U diyaari jidadkeena tignoolajiyada soo kordhaysa

U diyaari jidadkeena tignoolajiyada soo kordhaysa

Wax ka beddel naqshadeynta iyo farsamada waddooyinka si ay u taageerto ka mid noqoshada badbaadada iyo sinnaanta ee baabuurta jiilka soo socda iyo xalalka dhaqdhaqaaqa.

Guji si aad uga heshid falkan

Action21—tech

Isgoys weyn oo mashquul badan oo aan lahayn dhinacyo badan oo lagu lugeeyo (sidewark) ama meel bannaan oo dadku u banaan yihiin.

Hagaajinta waddooyinka iyo buundooyinka, gaar ahaan bulshooyinka si hoose loogu adeego

Hagaajinta waddooyinka iyo buundooyinka, gaar ahaan bulshooyinka si hoose loogu adeego

Ha ahaadan jidadkayaga iyo buundooyinkayaga hadda jira kuwo si wanaagsan loo dayactiray, iyadoo mudnaanta la siinayo horumarinta bulshooyinka taariikh ahaan aan si fiican loo maalgelin.

Guji si aad uga heshid falkan

Action22—bridges

Shaqaalaha dhismaha oo ku shubaya kuna fidinaya jidka laami si ay u hagaajiyaan waddo.

Hagaajinta nidaamkayaga gaadiidka iyada oo loo marayo dayactirka

Hagaajinta nidaamkayaga gaadiidka iyada oo loo marayo dayactirka

Inta uu socdo dayactirku, samee tillaabooyin wax ku ool ah si aad u wanaajiso badbaadada iyo fursadaha safarka ee hababka kala duwan.

Guji si aad uga heshid falkan

Action23—maintenance
Ma jiraan falal kale oo aad jeclaan lahayd inaad ku aragto Qorshaha Gaadiidka Seattle?
Ma jiraan falal kale oo aad jeclaan lahayd inaad ku aragto Qorshaha Gaadiidka Seattle?

Soo rar sawiro oo noo sheeg ficilada kale ee aad jeclaan lahayd inaad aragto anaga oo hoos ku dhaqaaqno.

Maximum upload size: 2MB

Ka bixi faallo guud

Haddii aad jeclaan lahayd inaad faallo guud ka bixiso Qorshaha Gaadiidka Seattle, fadlan isticmaal sanduuqan talooyinka.

Faallo
Faallo

Ka qaybgal kulanka soo socota

Fursadaha Ka-qaybgalka khadka fogaanta iyo Qofka ee Soo socda

Ku kulanka meesha aad joogto!

Naga hel kulamada agagaarka Seattle

Waxaan ka qaybgali doonaa munaasabadaha si aan u wadaagno macluumaadka ku saabsan waxa STP-gu yahay, uga jawaabno su'aalaha ku saabsan habka, una samayno fursado la isku waraysto. Waxaan rajeyneynaa inaan kula xiriirno bulshadaada!


Waanu kuu iman doonaa!

Isticmaal foomkan si aad noogu casuunto dhacdooyinkaaga iyo shirarkaaga.

Invite us

SDOT waxaa ka go'an inay martigeliso fursadaha ka-qaybgalka kuwaas oo si nabdoon lagu heli karo inta lagu jiro masiibada socota ee COVID-19. Waxaan raaci doonaa tilmaamaha Xarunta Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada ee dhacdooyinka shaqsiga ah waxaanan bixin doonaa beddelka fursadaha ka-qaybgalka fogaanta ah markasta oo ay suurtagal tahay.

Noo soo dir iimayl ama soo wac khadkayaga codka

Miyaad qabtaa su'aalo, walaac, ama faallooyin ku saabsan Qorshaha Gaadiidka Seattle? Noo soo dir iimayl ama soo dir fariin cod ah waanu kugu soo celin doonaa.

Wac khadka teleefoonkayaga luqadaha badan oo u dhaaf fariin si aad ula wadaagto ra'yi-celintaada ama aad u waydiiso su'aal. Fariin ku dhaaf luqadda aad door bidayso oo kooxdayada wacyigelinta ama tarjumaan ayaa dib kuugu soo wici doona jawaabaha su'aalahaaga.

Noo soo dir iimayl:STP@Seattle.gov

Soo wac khadkayaga fariimaha codka:: 206-257-2114

Waa maxay habka dib u eegista deegaanka ee Qorshaha Gaadiidka Seattle?

Waa maxay habka dib u eegista deegaanka ee Qorshaha Gaadiidka Seattle?

STP waxay mari doontaa nidaamka dib u eegista sharciga siyaasada deegaanka ee Gobolka (SEPA). SEPA waxay hubisaa in qiyamka deegaanka si fiican loo tixgeliyo inta lagu jiro qorshaynta iyo geeddi-socodka go'aan-qaadashada. Sida hoos timaada SEPA, iyo Bayaanka Saamaynta Deegaanka (EIS) waa daraasad loo baahan yahay oo siisa Magaalada, dadweynaha, iyo wakaaladaha kale natiijooyinka deegaanka ee la filayo ee Qorshaha Gaadiidka Seattle. Waxaad dib u eegi kartaa xaashida Xaqiiqda ee SEPA si aad wax badan uga barato!

Sidee ayay EIS u taageertaa Qorshaha Gaadiidka Seattle?

Natiijooyinka EIS waxay xoojin doonaan go'aankeenna daah-furnaanta waxayna gacan ka geysan doonaan go'aan-qaadasho xog-ogaal ah. Faallooyinkaaga ku saabsan EIS waxaa lagu daraa si isku mid ah iyada oo la wadaagayo ka qaybgalka bulshada ee STP. Uma baahnid inaad dib ula wadaagto faallooyinka aad hore u bixisay!

Muddada Faallaynta Baahinta – Juun 16-July 29, 2022: Waad ku mahadsan tahay qof kasta oo nala wadaagay faallooyinka muddada faallooyinka. Fikradaada waxay ku wargelinaysaa waxa lagu dari doono Bayaanka Saamaynta Deegaanka.

Qabyo Qoraalka Saamaynta Deegaanka (EIS) Siideynta iyo Faallo 30-maalmood ah – Horraanta 2023: Marka qabyo qoraalka EIS la sii daayo, bulshada waxaa lagu martiqaadayaa inay wadaagaan faallooyinka. Faallooyinkaan waxaa lagu daray EIS-da kama dambaysta ah, oo ay la socdaan jawaabaha.

EIS kama dambaysta ah La daabacay – Bartamihii 2023: EIS kama dambaysta ah, oo ay ku jiraan jawaabaha faallooyinka la wadaago ee EIS, ayaa loo isticmaali doonaa in lagu wargeliyo habka go'aan qaadashada

If you need this information translated, please call (206) 257‑2114.

STP 將通過州環境政策法案(State Environmental Policy Act,SEPA) 審查程序。SEPA 確保在規劃和決策過程中全面考慮環境價值. 如果您需要此信息的翻譯版,請致電 (206) 257‑2114。

El Plan de Transporte de Seattle (STP) será sometido al proceso de revisión de la Ley Estatal de Política Ambiental (SEPA). La Ley Estatal de Política Ambiental (SEPA) garantiza que los valores medioambientales se tengan en cuenta de forma exhaustiva durante los procesos de planificación y toma de decisiones. Si necesita esta información traducida, llame al (206) 257‑2114.

STP sẽ trải qua quá trình xem xét về Đạo Luật Chính Sách Môi Trường của Tiểu Bang (State Environmental Policy Act, SEPA). SEPA đảm bảo các giá trị môi trường được xem xét kỹ lưỡng trong quá trình lập kế hoạch và đưa ra quyết định. Nếu quý vị cần có bản dịch thông tin này, vui lòng gọi số (206) 257‑2114.

የሲያትል የማመላለሻ እቅድ (STP) በስቴት የአካባቢ የአየር ንብረት የአቋም መመሪያ ሕግ (SEPA) ግምገማ ሂደት ውስጥ ያልፋል። SEPA ዕቅድ በማውጣት እና በውሳኔ አሰጣጥ ሂደቶች የአካባቢ ንብረት እሴቶችን በሚገባ ግምት ውስጥ ያስገባ መሆኑን ያረጋግጣል። ይህ መረጃ እንዲተረጎምልዎ የሚፈልጉ ከሆነ እባክዎ(206) 257‑2114 ይደውሉ።

STP waxay mari doontaa nidaamka dib u eegista sharciga siyaasada deegaanka ee Gobolka (SEPA). SEPA waxay hubisaa in qiyamka deegaanka si fiican loo tixgeliyo inta lagu jiro qorshaynta iyo geedi socodka go'aan qaadashada. Hadii aad u baahan tahay macluumaadkan oo turjuban, fadlan la hadal (206) 257‑2114.

STP는 주 환경 정책법(State Environmental Policy Act, SEPA)의 검토 과정을 거칠 것입니다. SEPA는 계획 및 의사 결정 과정에서 환경 가치가 철저히 고려되도록 합니다. 이 정보의 번역본이 필요한 경우, (206) 257‑2114 으로 전화하십시오.

Ang STP dadaan sa proseso ng pagsusuri ng State Environmental Policy Act (SEPA). Tinitiyak ng SEPA na ang mga kinahahalagahan sa kapaligiran ay lubusang maisasaalang-alang habang nagpaplano at sa proseso ng paggawa ng desisyon. Kung kailangan mo ang impormasyon na ito na nakasalin sa (206) 257-2114.

Wax badan nooga sheeg adiga

Wax badan nooga sheeg adiga

Wax badan nooga sheeg adiga

Helitaanka iyo ka mid noqoshada waa qayb muhiim ah oo ka mid ah mashruucan. Waxaan u baahanahay caawimadaada si aan u hubinno in qof kasta oo bulshada ka tirsan la metelo. Fadlan ka jawaab su'aalaha ikhtiyaariga ah ee soo socda ee ku saabsan siip koodka, jinsi si aan u sii wadno horumarinta adeegayada ee dhammaan xubnaha bulshada. Waxaan macluumaadkan u isticmaalnaa qayb ka mid ah Ciwaanka VI ee Xeerka Xuquuqda Madaniga ah iyo warbixinta kale ee federaalka.

Section

2. Waa maxay isirkaaga ama Jinsigaaga? Dooro dhammaan kuwa khuseeya
3. Waa maxay jinsigaagu? Dooro dhammaan kuwa khuseeya
4. Sidee ku maqashay Qorshaha Gaadiidka Seattle?

Talaabooyinka Xiga

Halkaynu u socono

Habka qorshayntu waxa uu bilaabmay Janaayo 2022, waxaanan filaynaa in aanu kuu samayno qorshe qabyo ah oo aad dib u eegis ku samayso inta lagu jiro Gu'ga 2023. Inta lagu jiro nidaamka, waxaad heli doontaa fursado aad kula wadaagto khibradaada iyo inaad dib u eegto, faallo ka bixiso, oo aad ka caawiso qaabaynta qorshaha. Dib ugu soo laabo halkaan si aad ula socoto wax ka cusub habka

Jadwalka waqtiga

Laga yaabaa –
Ogosto 2022

Qeybta 1aad ee ka qaybgalka dadweynaha

Inta lagu jiro marxaladan, waxaan kala shaqeynay bulshada si loo sameeyo aragti la wadaago ee STP. Waxaan ku weydiinnay waxyaabaha ku saabsan mudnaantaada, caqabadahaaga, iyo baahiyahaaga markaad u wareegayso Seattle.

Sebtembar 2022–Maarso 2023

qeybta 2aad ee ka qaybgalka dadweynaha

Inta lagu jiro marxaladan, waxaan wadaagi doonaa wixii aan kaa maqalnay inta lagu gudajiray qeybta 1 waxaanan muujin doonaa sida taladu u hagto qorshaha, yoolalka, iyo ujeedooyinka. Fadlan nala wadaag sida aad rabto inaad mustaqbalka u socoto iyo ficillada aad jeclaan lahayd inaan qaadno.

Abriil–
Juun 2023

Qeybta 3aad ee ka qaybgalka dadweynaha

Waxaan la wadaagi doonaa qabyo qoraalka STP bulshada waxaana ku weydiin doonaa dib u eegistaada iyo jawaab celintaada si aan u hubino inaan ku socono wadada saxda ah.

Xagaaga 2023

Dhameystir Qorshaha Gaadiidka Seattle!

Si aad ula socoto wararka ku saabsan wararka STP iyo fursadaha soo socda si aad uga qaybgasho, iska hubi inaad iska diiwaan geliso cusboonaysiinta iimaylka .

Macluumaad dheeri ah ma rabtaa?

BooqoShabakadda khadka Qorshaha Gaadiidka Seattlesi aad wax badan uga barato qorshuhu waxa u yahay, kheyraadka mashruuca iyo su'aalaha inta badan la is weydiiyo, iyo si aad ula socoto habka qorshaynta.

Waad ku mahadsan tahay ka qaybqaadashada horumarinta Qorshaha Gaadiidka Seattle! Waxaan rajeyneynaa inaan sii wadno inaan adiga iyo deriskaaga la shaqeyno si aan u abuurno nidaam gaadiid oo buuxinaya baahiyaha wadajirka ah.

Ku Xidhnow

Isdiiwaangeli siddaad u hesho wixii ku soo kordha Qorshaha Gaadiidka Seattle:

Isdiiwaangeli Hadda[/ su_button]

Miyaad qabtaa su'aalo, walaac, ama faallooyin?

Noo soo dir iimaylSTP@Seattle.gov

Soo wac khadkayaga fariimaha codka: 206-257-2114

  • ADA notice

    The City of Seattle encourages everyone to participate in its programs and activities. For disability accommodations, materials in alternate formats, or accessibility information, contact 206-257-2114 | STP@Seattle.gov or visit www.seattle.gov/americans-with-disabilities-act at your earliest opportunity.

  • Nalaga soo xiriir:

    Wixii macluumaad dheeraad ah, fadlan nala soo xiriir:
    STP@Seattle.gov | 206-257-2114

    Wixii macluumaad dheeraad ah ee mashruuca, booqo boggayaga mashruuca:
    Seattle.gov/transportation/programs/ SeattleTransportationPlan

  • La wadaag shabakadan:

  • Waxaa xoojiya:

    InfoCommunity logo

    © S&A COMMUNICATIONS, ALL RIGHTS RESERVED 2022